Xuquuqda dadka waaweyn ee adeegyada caafimaadka
Dadka ka weyn 18 sano ee aan dalka sharci ku joogin, waxay xaq u leeyihiin gargaar degdeg ah iyo daryeelka caafimaad ee lagama maarmaanka ah ee aan dib loo dhigi karin. Waa inaad iska bixisid lacagta daryeelka caafimaadka, laakiin lacagta ma sii hormarinaysid (maaha qadimaad).
Xuquuqda haweenka uurka leh ee adeegyada caafimaadka
Haweenka uurka leh si buuxda ayay xaq u leeyihiin inay helaan daryeel caafimaad xilliga uurka, xilliga dhalmada iyo xilliga umusha. Haweenka uurka leh waxay sidoo kale xaq buuxa u leeyihiin ilmo iska soo ridka.
Xuquuqda carruurta ee adeegyada caafimaadka
Dhammaan carruurta ay da'doodu ka yar tahay 18 sano waxay leeyihiin xuquuqda adeegyada caafimaadka iyo daryeelka, si la mid ah carruurta kale ee Norway. Carruurta aan haysan sharci joogitaan xaq uma laha inay ka mid noqdaan nidaamka dhakhtarka joogtada ah.
Xuquuqda caawimada ku saabsan cudurrada faafa
Cudurrada qaarkood waa kuwo aad la isu qaadsiiyo oo cawaaqib xun ku keeni kara bulshada iyo dadka cudurku ku dhacayba. Lovdata.no waxaa ku jira liis ka kooban cudurrada faafa ee bulshada u halis ah.
Haddii aad halis ugu jirto inuu kugu dhaco cudur noocaas ahi, waxaad xaq u leedahay in lagaa caawiyo ka hortagga cudurka. Taas macnaheedu waxa weeye in aad xaq u leedahay:
- tallaal
- macluumaad
- caawimaad kale oo ka hortag ah oo lagama maarmaan ah
Haddii uu kugu dhacay cudur noocaas ahi, waxaad xaq u leedahay in lagaa daweeyo.
Caawimada ka hortagga cudurrada la si qaadsiiyo waa u bilaash qof kasta oo jooga Norway.
Diidmada kama dambaysta ah ee codsiga magangelyada
Inkastoo aad heshay diidmo kama dambays ah oo ku saabsan codsigaaga magangelyo, waxaad xaq u leedahay:
- in isbitaalku xaaladaada qiimeeyo
- gargaarka caafimaad ee degdeg ah
- daryeelka caafimaad ee lagama maarmaanka ah ee aan dib loo dhigi karin
Haddii aad qabtid dhibaatooyin nafsadeed, waxaad xaq u yeelan kartaa daaweynta daryeelka caafimaadka nafsadeed.
Carruurta aan sharci ku lahayn Norway waxay xaq u leeyihiin inay daryeel caafimaad ka helaan dhakhtar iyo isbitaal, laakiin xaq uma laha inay helaan dhakhtarka joogtada ah.
Haddii si kama dambays ah loo diiday codsigaaga magangalyo, waa inaad iska bixisid kharashka caawimada caafimaad ee dhakhtarka iyo daaweynta isbitaalka, laakiin ma u baahnid inaad lacagta sii hormarisid ka hor intaanad helin caawimada caafimaadka. Haddii aad marka dambe lacagta bixin kari weydo, waa inuu adeegga caafimaadku bixiyo kharashka.
Haweenka uurka leh ee si kama dambays ah loo diiday codsigooda magangalyo waxay xaq u leeyihiin:
- inay helaan daryeel caafimaad xilliga uurka, xilliga dhalmada iyo xilliga umusha
- in ay ku dhalaan isbitaal
- inay ilmo iska soo ridaan
Waxyaabahaas xaq ayaad u leedahay inta aad joogto Norway.
Waa inaad iska bixisid lacagta dhalmada haddii aad awoodi kartid. Haddii aadan bixin karin, waa inuu adeegga caafimaadku bixiyo kharashka.