Baaritaanka ilmaha uurka

Baaritaannada ilmaha uurka ku jiraa waa baaritaanno lagu ogaanayo xaaladda caafimaad ee ilmaha uurka ku jira. Baaritaannadani waxay wax ka sheegi karaan astaamaha hidda-sidaha ilmaha, in ilmuhu qabo cudurro gaar ah ama in korriinka ilmuhu aanu caadiga ahayn.

Baaritaannada uurka

Waa lagula soconayaa xillaga uurka. Baaritaanku waa baaritaan lagu samaynayo caafimaadka ilmaha uurka ku jira.

Xilliga uurka waxa laguu samaynayaa labo baaritaan oo farsamada sawirka ultarada ah:

  • xilli u dhexeeya toddobaadya 11 iyo 14
  • xilli u dhexeeya toddobaadyada 17 iyo 19

Haddaad ka weyn tahay 35 sano marka ilmuhu dhalanayo waxa lagaa qaadi karaa dhiig la baarayo oo loo yaqaano NIPT.
Dhiiga waxa la qaadaya xiliga baaritaanka ultarada ee u dhexeeya toddobaadyada 11 iyo 14.

Adiga ayaa dooranaya in la samaynayo baaritaanka ilmaha uurka ku jira ama in la iska dhaafo.

Baaritaanka sawirka ultarada ee u horreeya

Dhakhtar ama umuliso ayaa:

  • eegaya in wadnuhu garaacayo
  • tirinaya ilmaha uurka ku jira
  • qiimaynaya barar ku yaala qoorta
  • hubinaya in ilmuhu u korayo sidii la rabay
  • eegaya jirka iyo xubnaha ilmaha

Ilmaha intooda badani way caafimaad qabaan.

Mararka qaar waxa baaritaanka ultarada lagu ogaan karaa in wax ka khaldan yihiin ilmaha. Markaa waa in ilmaha lagu sameeyo baaritaan kale.

Waa maxay DNA, koromosoon iyo tirisomii?

Sawir 1 Tirada caadiga ah ee koromosoonnada

Sawir 1 Tirada caadiga ah ee koromosoonnada

Sawir 2 Tirisomii: hal koromosoon oo dheeraad ah 13, 18 ama 21

Sawir 2 Tirisomii: hal koromosoon oo dheeraad ah 13, 18 ama 21

DNA

  • DNA waxa la dhahaa hidde-sidayaasha waxaanay ku jiraan dhexda dhammaan unugyada jirka.
  • DNA waxay sheegaysa qaabka qofku u abuuran yahay.

Koromosoon

  • DNA-gu waxay ku gufaysan yihiin waxa loo yaqaano koromosoonnada.
  • Qofku wuxu caadi ahaan leeyahay 46 koromosoon oo ka kooban 23 lammaane koromosoon (sawir 1).
  • Ilmuhu caadi ahaan 23 koromosoon ayuu ka helaa aabbaha, hooyadana 23.

Tirisomii

  • Mararka qaar ayuu ilmuhu koromosoon dheeraad ah ka helaa mid ka mid ah waalidka. Waxa loo yaqaanaa tirisomii.
  • Tirisomiiyada inta badan la arko waa tirisomii 18 ama tirisomii 21 (sawir 2).
  • Ilmuhu wuxu yeelan karaa keliya hal ka mid ah saddexda tirisomii.

NIPT – baaritaan dhiig oo laga qaado hooyada

NIPT

Dhiiga hooyada waxa laga helayaa raadka DNA-ga ilmaha. Waxa lagu baadhaa NIPT. NIPT waa dhiig laga qaadayo hooyada xilliga baaritaanka ultarada ee u horreeya. NIPT wax dhib ah u geysan maayo ilmaha.

Ku saabsan 3-da tirisomii oo la baarayo

Trisomi 13 - Patau

Inta badan carruurta leh tirisomii 13 waxay ku dhex dhintaan uurka. Carruurta ku dhalata tirisomii 13 waxay inta badan ku dhashaan cillado daran oo waxay inta badan dhintaan wakhi kooban ka dib markay dhashaan.

Trisomi 18 - Edwards

Inta badan carruurta leh tirisomii 18 waxay ku dhex dhintaan uurka. Carruurta ku dhalata tirisomii 18 waxay inta badan ku dhashaan cillado daran oo waxay inta badan dhintaan wakhi kooban ka dib markay dhashaan.

Trisomi 21 - Downs

Carruurta ku dhalata tirisomii 21 waxay ku dhalan karaan xubno jir oo dhaawac leh, oo inta cillad wadne ah. Dib u dhaca garaadku waa heerar kala duwan, waxaanay leeyihiin muuqaal lagu yaqaano. Ilmuhu waxay u baahan yihiin in caafimaadkooda lala socdo.

Macnaha natiijada baritaanka NIPT

  • NIPT wuxu sheegayaa in ilmuhu u ugul yahay in tirisomii ku dhaco.
  • Haddii natiijadu noqoto negatiif, waxa aad u yar khatarta in ilmuhu ku dhasho tirisomii.
  • Haddii natiijadu noqoto boositiif waxa kordhay khatarta in ilmuhu ku dhasho tirisomii waxaana fursad laguu siinayaa in la sameeyo. baaritaanno kale.
  • Mararka qaar natiijada baaritaanku maaha mid cad, taas darteed waa in la sameeyo baaritaanno kale.

Waxa ku qoran waxaa soo diyaariyay Helsedirektoratet

Markii ugu dambaysay ee la cusbonisiiyay Jimce, Bisha Saddexaad 18, 2022