Cudurka sonkorowga/macaanka ee uurka
Cudurka sonkorowga/macaanka ee uurka waa xaalad sonkorta dhiiga ay sarreeyso oo dhaca xilliga uur-qaadista.
- Waa maxay cudurka sonkorowga/macaanka ee uurka?
- Daryeelista cudurka sonkorowga/macaanka ee uurka
- Talo-siinta nooca raashinka loogu talagalay haweenka qaba cudurka sonkorowga/macaanka ee uurka
- Jir-dhaqaajiska haweenka qaba cudurka sonkorowga/macaanka ee uurka
- Ummulida kadib
Waa maxay cudurka sonkorowga/macaanka ee uurka?
Xilliga uur-qaadista wuxuu jirka u baahan yahay insuliin oo dheeraad ah. Insuliin waa hormoon u ganaca soo saaro, kaasoo kaalin ka geeysto in sonkorta karbohaydraytyada aan cunno in ay gasho unugyada, taasoo kaddib tamar ahaan looga isticmaalo.
Cudurka sonkorowga/macaanka ee uurka wuxuu dhacaa haddii jirka usan awoodin in uu soo saaro insuliin ku filan, taasoo sare u qaadayso heerka sonkorta dhiiga.
Calaamadaha cudurka sonkorowga/macaanka ee uurka marar dhif ah ayaa la dareema. Sidaas darteed, haweenka uurka leh badidooda waxaa la siiyaa fursad looqa qaado shaybaarka cudurka sonkorowga/macaanka.
Dumarka uurka leh ee qaba cudurka sonkorowga/macaanka waxay halis dheeraad ugu jiraan in ay la kulmaan dhibaatooyinka xiriirka la leh uur-qaadista ummulida, laakiin badidooda waxay dhalaan ilmo caafimaad qaba. Daryeelista heerka sare ee cudurka sonkorowga/macaanka ee uurka waxay yaraynaysaa halista:
- dhiig karka iyodhib-badnida uur-qaadista (preeklampsi) (ku qoran af-norwegian)
- uur-jiif weyn iyo ummulid adag
- qalliinka ummulida
- ummulid wakhtigeeda ka soo hormarta
Daryeelista cudurka sonkorowga/macaanka ee uurka
Dabagalka cudurka sonkorowga/macaanka ee uurka waxaa ku dhaqaaqo dhakhtarka qoyska, umulisada ama xarumaha bukaan socodka ee isbitaalka. Daryeelista waxay marka hore ka kooban tahay saddex dhacdo:
- cabbirka heerka sonkorta dhiiga - cuntaynta kahor iyo kadib
- wax ka beddelka caaddooyinka cuntaynta
- dhaqdhaqaaq-jireedka oo maalinle ah
Tababarka qaabka laysaga cabbiro sonkorta dhiiga
Waxaa lagu tababari doonaa sida iskaaga aad isaga cabbiri doonto sonkorta dhiiga, oo aad ku hubsato in aysan aad u sareyn.
1-2 toddobaad ee ugu horreeya, waxaa lagula talinayaa inaad iska cabbirto quraacda kahor (cuntaynta kahor sonkorta dhiiga) iyo laba saacadood kadib bilowga quraacda iyo cashada (iyo xitaa qadada kadib). Kadib heerka cabbirada waxaa loola qabsiinayaa sida cudurka aad u daraymayso.
Kadib markii aad is-qabadsiisid qaabka cuntaynta iyo iyo jir-dhaqaajiska ee maalinlaha ah, waa in heerka sonkorta dhiigaaga u noqdo sidatan:
- Sonkorta dhiiga ee cuntaynta kahor: ka hooseyso 5.3 mmol/L
- 2 saacadood kadib bilowga cuntaynta: ka hooseeya 6.7 mmol/L
Haddii hal isbuuc gudahiisa u noqdo in ka badan 2 cabbir oo intaas ka badan, waxaa lagu gudbin doonaa waaxda bukaan-socodka kugu dhow, sidii loo dabagalo qaabka cuntaynta iyo jir-dhaqaajiska awgood, iyo qiimeynta haddii aad u baahan tahay in lagu qoro dawada sonkorta dhiiga hoos u dhigta sida (metformin ama insulin).
Talo-siinta nooca raashinka loogu talagalay haweenka qaba cudurka sonkorowga/macaanka ee uurka
Hadafka nooca raashinka lagula taliyo dumarka qaba cudurka sonkorowga/macaanka ee uurka, wuxuu yahay in la hubiyo in adiga iyo uurjiifka aad heshaan nafaqooyinka lagamamaaranka iyo in sonkorta dhiiga aynan aad u sarreyn
Si fudud ayaa ugu hortegi kartaa in heerka sonkorta dhiiga usan sare u kicin, waa inaad tirada gooraha cuntaynta aad badiso laakin kolba qiyaas yar cunto, beddelka cuntada badan oo mar qura la cuno. Tusaale ahaan, waxaad isku dayi kartaa inaad caadi ahaan raashinka caadiga cunto 3 jeer iyo 2 ilaa 3 jeer cuntada fudud ee yaryar. Haddii wakhti dheer u dhexeeyo cashada iyo quraacda (in ka badan 10-12 saacadood), waxaa fiican inaad fiidkii cunto raashin aan ku badnayn karbohaydraytyada iyo borotiinka.
Cashada iyo qadada waxaad isticmaali kartaa qaabka saxanka:
- 1/2 saxan khudaar ah
- Ilaa 1/4-meelood saxan oo ka kooban karbohaydrayt oona fiber-ka ku badan yahay (baastada iniinyada dhammaystiran/bunshada leh, bariiska iniinyada dhammaystiran, roodhida bunshada ku badan, baradho la kariyey)
- 1/4-meelood ama in ka badan borotiinka laga helo (kalluun, digaag, hilib, digir, tofu)
Cunto leh karbohaydraytyo
Haddii aad cunto raashin karbohaydraytyada ku badan, waxaa kor u kaca sonkorta dhiiga. Heerka sonkorta dhiiga u kor u kici doono waa hadba nooca karbohaydrayt raashinka lahaa, inta aad cunayso, iyo sida cuntaynta u samaysan tahay.
Waxaa si gaar ah lagula talinayaa inaad quraacda xaddido cunista karbohaydraytyada, waayo subaxdii insuliinka badi ahaan sii fiican jirka u ma helo.
Beddelkii xulo:
- Raashinka u ku badan yahay fiber-ka, kaasoo sonkorta dhiiga si tartiib ah kor ugu qaado, raashinka laga sameeyay iniinyada dhammaystiran/bunshada leh, digirta, caddas, lawska iyo khudaarta
- Soo saareyaasha laga sameeyay iniinyada dhammaystiran/bunshada leh iyo miraha geedaha oo ku salaysan 75-100% badarka oo dhan (4 afar geesood oo cabirka qallafsan)
- Rooti la jajabiyey oo laga sameeyey badarka qamadiga u eg, qamadi, badarka sarrrenta u eg iyo sarreenka buunshada leh oo leh qayb yar oo bur ah oo la shiiday
- Baastada iniinyada dhammaystiran/bunshada leh iyo bariiska iniinyada dhammaystiran/bunshada leh beddelka noocyada caadiga ah
Qadarka raashinka iniinyada dhammaystiran/bunshada leh waxaa loola qabsiin ayaa heerka sonkorta dhiiga. Qadarka cunnis kasta ku habboon waxay noqon kartaa: 5 qaado oo bariis ama baasto oo karsan, 1 jeex oo rooti ah, ½ rooti pita, 30 g oo muesli ah ama 110 g oo ah boorash la kariyey oo laga sameeyay badarka sarrrenta u eg.
Iska ilaali cuntaynta iyo cabbitaannada sonkor badan lagu daray, fiberka iyo nafaqada yar oo sababa sare u kaca xooggan ee dhaqsida badan ee sonkorta dhiiga , sida buskud iyo dubista khamiirka macaan, noocyada buskudkyada badidooda, chips, waffle/canjeerada macaan, duubabka kareemka leh/ pizzada, bariis cad, boorashka bariiska, caano fadhiga sonkorta lagu daray, raqaayiqda quraacda sonkorta lagu daray ama fiberka ku yar yahay (dooro kuuwa ku calaamadaysan duleelka furaha), casiirka khudaarta/miraha, cabitaanka sonkorta lagu daray, nacnac, marmalaado iyo malab.
Haddii aad rabto inaad raashinka macaanayso, isticmaal beddelka sonkorta kuwa macmalka ah leh halkii aad ka dooran lahayd cuntooyinka sonkorta lagu daray.
Haddii u oon ku haayo cab biyo.
Haddii mararka qaarkood aad rabto inaad macmacaan cunto ama wax kale sonkorta ku badan tahay, inyar cun kadib markii aad cuntaynta dhamaysato.
Khudaarta, miraha iyo bery
Dumarka uurka leh waa in maalin kasta ay cunaan 500-800 garaam oo khudaar ah, miro iyo bery.
Miraha waxay leeyihiin fiitamiinayaaal waxtar leh, macdan iyo fiber, laakiin sidoo kale waxay leeyihiin sonkor dabiici ah. Maalin kasta cun hal ilaa saddex qaybood oo khudrad ah, laakiin ku xaddid hal qayb cunto kasta. Haweenka qaarkood waa in ay iska ilaaliyaan miraha, gaar ahaan subaxda. Hal qayb waxay noqon kartaa, tusaale ahaan, ½ ilaa 1 xabo tufaax, pear ama orange ama 1-2 dl berry. Miraha sida muuska, canbaha, cananaaska iyo canabka waxaa ku badan sonkorta haddii la barbar dhigo noocyada kale ee miraha, sidaas darteed waana in la xadidaa. Iska ilaali miraha la qalajiyey.
- Badso cunida kafolfiore, brokoli, insalaato, isbinaaj, yaanyo, qajaar, paprika, celery iyo wixii la mid ah
- Khudaarta ha ka reebin raashin kasta aad cunayso
- Waxaa fiican in khudradda la cuno iyadoo cayriin ah beddelka aad karin / shiidi lahayd, waayo khudaarta cayriinka ah ma kordhiso heerka sonkorta dhiiga
Soo-saaryada caanaha
Waxyaabaha caanaha laga sameeyo waa muhiim waayo waxay lee yihiin maaddooyinka kalsiyum, iodine iyo borotiinno. Caano, caano fadhi oo aan sonkor lahayn iyo kefir waxa ku jira sonkorta caanaha mana fiicna in 1 koob ka badan cunto kasta lagu cabbo. Farmaajada waxay leedahay sonkorta caanaha, waxayna saamayn yar ku leeyahay sonkorta dhiiga.
Cuntada borotiin iyo dufanta leh
Barootiinada wax yar ayay saamayn ku yeelan karaan sonkorta dhiiga, waxaana raashin iyo raashin fudud ahaan fiican in la cuno raashinka borotiinka. Sida tusaale hilib iyo digaag, kalluun, ukun, keso, yogurt greek, farmaajo, digir, caddas, abuur iyo lawska.
Hilibka shiidan, sausages iyo waxyaabaha kale oo hilibka laga warshadeeyay waxaa ku jira dufan badan, sidaas darteed waa in la xaddida cunistooda. Hilibaha warshadeeysan waxay gacan ka geystaan korniinka miisaanka ee dadka.
Dufanta ma kordhiso sonkorta dhiiga , laakiin waxa ku jira kalooriyo badan, sidaas darteed sidii looga hortago korniinka miisaanka ee xad-dhaafka waa in la cunaa wax aan badnayn. Beddelkii cun waxyaalaha leh dufanta caafimaadka u roon, sida lawska, iniinaha, avokado, saytuun, saliid saytuun/saliidda dhirta/saliid gabbaldayaha, subagga dhirta laga sameeyay iyo kalluunka dufanta ku badan.
Jir-dhaqaajiska haweenka qaba cudurka sonkorowga/macaanka ee uurka
Jir-dhaqaajiska wuxuu kaalin ka geeysta hab-shaqaynta heerka sare ee insulinta, sidaas darteedna waa qayb udub dhexaad u ah daryeelista cudurka sonkorowga/macaanka ee uurka.
Isku day inaad isbuuc kasta aad si firfircoon ugu yaraan 150 daqiiqo samayso jir-dhaqaajis, oo aad isku daydo inaad dareento in si dhakhsi ah u neefsanayso oona inyar dhididayso.
Jir-dhaqaajiska joogtada ah ee maalinlaha ah wuxuu sidoo kale kaa caawin kara inaad dareento fiicnaan jireed iyo maskaxeed ba
- Jir-dhaqaajiska cuntaynta kadib wuxuu xaddida sare u kaca sonkorta dhiiga.
- Waxaa fiican inaad wakhiga jir-dhaqaajiska kala qaybiso, tusaale toban daqiiqo markiiba.
- Haddii maalmaha intiisa badan ee toddobaadka aad socoto 30-daqiiqo, wuxuu ku noqon doonaa hadaf wanaagsan haddii caadi ahaan aadan samayn jir-jimicsiga.
Aqriso warbixin dheeraad oo ku saabsan jir-dhaqaajiska xilliga uur-qaadista (ku qoran af-norwegian).
Ummulida kadib
Cudurka sonkorowga/macaanka ee uurka wuxuu caadi ahaan baaba'aa ummulida kadib, laakiin dumarka uu cudurka sonkorowga/macaanka ee uurka ku dhacay, waxa ay halis dheeraad ah ugu jiraan in uu ku dhaco nooca 2:aad ee cudurka sonkorowga/macaankanoloshooda (ku qoran af-norwegian) dambe. Haddii aad tixgeliso (ku qoran af-norwegian) talada Hay`adda arrimaha caafimaadka ee ku saabsan (ku qoran af-norwegian) cuntada iyo dhaqdhaqaaqa jirka, oona miisaankaaga u yahay caadi, waxaa aad u yaraanayo halista in u kugu daco cudurka sonkorowga/macaanka.
Haddii xiilligii uurka aad qabtey cudurka sonkorowga/macaanka, waa in kadib markii ummulida ka soo wareeegato qiyaastii afar biloood, u dhakhtarkaaga xaaladaada baara, kadib hal mar sannadkii u xakameeyaa in sonkorta dhiigga ay caadi tahay.
Haddii xilligii aad uurka lahayd u kugu dhacay cudurka sonkorowga/macaanka, waxaa suurtagal noqon karo in u mar kale kugu dhaco haddii aad uur yeelato. Sida ugu fiican oo looga hortegi karo waxaa weeyaan xajinta miisaanka jirka ee caadiga ah kahor inta aad uur yeelanin, iyo in miisankaaga u aad sare u kicin xilliga uur-qaadista.
Nasjonal faglig retningslinje for svangerskapsdiabetes (ISBN 978-82-8081-514-9). https://helsedirektoratet.no/retningslinjer/svangerskapsdiabetes
Waxa ku qoran waxaa soo diyaariyay Helsedirektoratet
Markii ugu dambaysay ee la cusbonisiiyay Arbaca, Bisha Lixaad 26, 2024