Talooyin ku saabsan ramadaanta iyo caafimaadka

Waxa wacan in aan la soomin marka la qabo xanuunada qaarkood. Waa kuwan talooyin ku anfici kara xilliga ramadaanta.

Bønnekjede

Soonka

Muslimiin badan ayaa raba in ay soomaan xilliga ramadaanta. Inta badan dadka caafimaadka qaba ee waaweyn waa ay u adkaysan karaan soonka muddo xadidan, haddii ay dheefsadaan cunto iyo cabitaan nafaqo badan xilliga u dhexeeya marka qorraxdu dhacdo iyo marka so baxdox.

Carruurta iyo dadka qaba xanuun-nafsadeed waa laga dhaafay soonka. Waxa iyana qofka laga dhaafay soonka haddii soonku uu sii xumaynayo xaalad xanuun ama uu kordhin karo muddada xanuunka. Waxa kale oo aad dib u dhigan kartaa ama lagaa dhaafi karaa soonka haddii aad ku jirto xaalado nololeed oo gaar ah (tusaale ahaan gaboow, uur iyo naasnuujin) iyo xaalado kale (tusaale ahaan safar dheer, shaqo jidh ahaan culays badan, marka lagu jiro gudashada waajibaad ciidan iyo maareynta xaalad adag).

Xanuunada iyo isticmaalka dawooyinka

Haddii aad xanuun qabto, waa aad iska dhaafi kartaa soonka ramadaanta haddii xaaladda xanuunku ka sii dari karto ama muddada xanuunku kordhayso. Soonka waa ay burinayaan dawooyinka laga qaato sanka iyo dalqada, laakiin haddii joojinta dawooyinku kugu keenayso halis caafimaad, waxa bannaan in dib loo dhigto ama la iska dhaafo soonka.

Taas darteed iska dhaaf soonka haddii aad xanuunsnayso ama aad qaadato dawooyinka nafta u muhiim ah. Arrintani waxa ay khuseysaa xaaladaha iyo xanuunnada ay ka mid yihiin dhiig-kar cudur dhimircudurka macaanka/sonkorowgacudurka neefta/asmadaCudurada sambabada ee yareeya hawo-qaadashada (KOLS)HIV  iyo xaalado badan oo kale

Sidan si la mid ah ayaa khuseysa dadka gaboobay ee soonku ku adkaanayo, tusaale ahaan haddii cadaadiska dhiigu yaraan karo oo markaana wareeri karaan haddii aanay biyo cabin maalin dhan.

La hadal dhaqtar haddii aad si kastaba rabto in aad soonto

Dadka qaba nabar-calooleedlaabjeex, gaaska caloosha iyo eerno furan waxa u wacan in ay la hadlaan dhaqtar haddii ay rabaan in ay soomaan.

Cudurka macaanka iyo ramadaanta

Soonku halis ayuu ku keeni karaa dadka qaba macaanka. Marka aad qabto xaalad caafimaad oo ka sii daraysa haddii aad soonto, waa in aad iska dhaafto soonka.

Waa suurtogal in la guto soonka inkastoo la qabo cudurka macaanka, laakiin waa in qofku markaa sameeyo dedaal iyo nidaam wacan, waxaana taas darteed wacan in aad marka hore la hadasho dhaqtarkaaga.

Si qofka macaanka qaba uga hortago in dhaawac soo gaadho caafimaadkiisa xilliga ramadaanta, waxa wacan in la raaco dhowr talooyin haddii la soomo inkastoo la qabo cudurkaas. Talooyinka waxa lala kaashaday Midowga Macaanka (Diabetesforbundet)  iyo Golaha Islaamka:

  • haddii aad dooratid soon inkastoo aad qabto cudurka, waa in aad kala tashatid dhaqtarkaaga
  • waa in aad sonkorta dhiiga u cabirto si joogtaysan – soonku ma ku burayo sidaas
  • marka aad afurayso dooro cuntooyin iyo cabitaan aan si xoog ah u kordhinayn sonkorta dhiiga

Haddii aad isticmaasho dawooyin yareeya sonkorta dhiiga, oo ay meel hoose tagto, waa in aad joojiso soonka.

Midowga Macaanka (diabetes.no), waxaad ka akhrisan karta talooyin wacan oo ku saabsan isu diyaarinta ramadaanta. Midowga Macaanka (diabetes.no), waxaad ka akhrisan karta talooyin wacan oo ku saabsan isu diyaarinta ramadaanta .

Uurka iyo naasnuujinta xilliga ramadaanta

Haddii aad leedahay  uur  ama  ilmo naas-nuujiso , waxa wacan in aanad soomin. Waxaad soonka ka dhigan kartaa dhalmada kadib ama marka aad dhammayso naasnuujinta. Ilmaha waxa u wacan in aad joogtayso cunista iyo cabitaanka wax nafaqo leh. Daraasaddo cilmiyeed oo soo baxay ma sheegin in soonka ramadaantu uu dhaawacyo caafimaad oo waaweyn u keenayo ilmaha ku jira uurka, laakiin si kastaba ma hayno aqoon inagu filan oo lama dhihi karo dhib ma leh.

Haddii aad si kastaba doorato in aad soonto, ilaali in aad cunto nafaqo badan cunto oo aad cabto cabitaan kugu filan xilliga u dhexeeya dhicitaanka qorraxda iyo soo bixitaanka qorraxda. Iska-dhaaf in aad samayso firfircooni jidheed oo lagama maarmaan ahayn xilliga maalintii. Waxa wacan in aad joojiso soonka haddii aad dareento in dhaqdhaqaaqa ilmuhu yaraado, haddii aad wareerto, daasho, lalabo dareento ama matagto. La tasho dhaqtarkaaga haddii aad soomayso. Halkan ka akhriso faahfaahin ku saabsan  cuntooyinka wacan xilliga uurka .

Calaamadaha u baahan in laga feejignaado xilliga soonka

Waa aad dareemi karta dhib yar xilliga soonka. Laakiin waxa jira calaamado loo baahan yahay in aad si gaar ah uga feejignaato, waayo waxay calaamad u noqon karaan cudur.

  • Haddii aad dareento daal iyo wareer, waxa dhici karta in cadaadiska dhiigu hoos u dhacay waxaana wacan in aad aado dhaqtar.
  • Haddii aad dareento lalabo, wareer oo isla markaana ay kugu adkaato in aad niyadda wax siiso, waxa sabab u noqon kara inaad fuuq-baxday oo aanad cabin cabitaan kugu filan. Taas darteed cabitaan badan cab waqtiga u dhexeeya dhicitaanka qorraxda iyo soo baxa qorraxda.
  • Cabitaanka la isku yareeyo xilliga ramadaanta waxa ka dhalan kara dhagaxa kelyaha.
  • Waxa caadi ah in qofku isku arko calool-istaag, dheefshiid-xumo iyo laabjeex marka uu sooman yahay. Si arrintaas looga hortago waxa muhiim ah in la cuno cunto wacan oo nafaqo leh xilliga la cuntaynayo.
  • Dad badan ayaa dareema madax-xanuun iyo dhanjaf (migrene) xilliga ay sooman yihiin. Haddii madax-xanuunku aad kuu dhibo waxa wacan in aad xidhiidh la samaysid dhaqtarkaaga.
  • Haddii aad jimicsi samaynayso xilliga aad sooman tahay, waxa lagu talinayaa in aad jimicsato dhammaadka maalinta, in yar ka hor xilliga la oggol yahay cunitaanka iyo cabitaanka.

Waxa ku qoran waxaa soo diyaariyay Helsedirektoratet

Markii ugu dambaysay ee la cusbonisiiyay Jimce, Bisha Labaad 02, 2024