Cudurka sonkorowga/macaanka nooca 2:aad

Waa cudur ay heerka sonkorta dhiiga aad u sarayso. Dadka intiisa badan waxay haki karaan horumarkii cudurka sonkorowga/macaanka nooca 2:aad ama waxay hos u dhigi karaan halistiisa iyagoo wax ka bedelo qaab nololeedkooda.

Calaamadaha cudurka sonkorowga/macaanka nooca 2:aad

Cudurka sonkorowga/macaanka nooca 2:aad muddo kadib ayuu soo ifbaxa mana laha markaas calaamado badan. Shaac-bixinta kahor waxaad dareemi doontaa daciifnimo iyo daal, waxaa kalo dhici karto in miisankaaga u hooos u dhaco iyo inaad dareento haraad aan caadi ahayn.  

Maadaama dadka cudurka sonkorowga/macaanka nooca 2:aad qaba inta badan aynan dareemin calaamadaha cudurka lagu garto, waa in qof dhakhtar ah u baadigooba calaamado kale oo kordhiya khatarta cudurka sonkorowga/macaanka nooca 2:aad. Waxaa ka mid ah: 

  • Miisaankaa iyo cayika xad-dhaafka ah  
  • Cabbirka dhexda calosha oo weyn (ka sarreeyo 94 cm ragga iyo 80 cm dumarka)  
  • Jir-dhaqaasjis aan badnayn (in ka yar 30 daqiiqo oo dhaqdhaqaaq jireed ah maalintii)  
  • Raashinka u hilibka ku badan yahay, dufan buuxda iyo raashinka warshadaysan, raashinka iyo cabitaannada sonkorta ku badan yahay iyo/ama fiberka ku yar yahay, iniinyada bunshada leh, miraha iyo khudaar  
  • Dhaxalka (haddii waalidiinta ama walaalaha ay qabaan sonkorow, waxaad halis dheeraad ugu jirta in u kugu dhaco)  
  • Qowmiyada (dadka qaaradaha Aasiya iyo Afrika ka soo jeeda halis dheeraad ayay u leeyihiin in iyagana u cudurka ku dhaco)  
  • Duqnimada (waxtarka insulinka wuu sii yaraadaa hadba da`da wayn)  
  • • Isticmaalka maaddada corticosteroids (tusaale prednisolone) iyo daawooyinka dhimirka qaarkood (tusaale clozapine iyo olanzapine)  
  • Sigaar cabidda  
  • Haddiicudurka sonkorowga/macaanka u kugu dhacay markii aad uur lahayd 

Dad badan oo qaba cudurka sonkortaowga/macaanka nooca 2:aad waxay sidoo kale la dhiban yihiin 

Baaritaanka iyo ogaanshaha

Ogaanshaha cudurka sonkorowga/macaanka nooca 2:aad dartiisa waxaa la isticmaala shay-baarka dhiigga oo lagu cabbiray sonkorta dhiigga ee muddada dheer (HbA1c). Shay-baarka dhiigga wuxuu ka tarjumayaa celceliska heerka sonkorta dhiigga ee jirkaaga labadii ilaa seddexdii bilood ee la soo dhaafay.  

Haddii labadii shay-baar oo laga qaaday maalmo kala duwan ee sonkorta dhiigga ee muddada-dheer qiimaheeda noqoto ama la mid tahay 48 mmol/mol, waxaa kugu dhacay cudurka sonkorowga/macaanka Haddii natiijada ay noqoto 42–46 mmol/mol waxaad halis dheeraad ugu jirta in u kugu cudurka sonkorowga/macaanka nooca 2:aad. Xaaladdaas waa inaad dhakhtarkaaga la xajooto, sidii hoos loogu dhigi lahaa halista in uu cudurkani kugu dhaco, kadib sannad kasta la cabbiro sonkorta dhiiga ee mudada dheer. 

Cudurka sonkorowga/macaanka nooca 2:aad sidee buu u saameeyaa jirka?

Markii cudurka sonkorowga/macaanka nooca 2:aad aad qabto, sonkorta (glucose) ee dhiiga cuntada kadib ku wareegaysa si fiican unugyada jirka uma nuugayaan. Sababta unugyada ay u qaadan waayaan maaddada glucose waxaa weeyaan isku darka insulinka oo aan u shaqayn sidii la rabay iyo/ama jirka aanu awoodin in uu soo saaro insulin ku filan. 

Insulinka waa hormoon laga soo saaro xubinta ganaca, kaasoo hawshiisa ay tahay in glucose-ka karbohaydraytyada raashinka la cunay ku jiraan galaan unugyada jirka oo loo isticmaali, kadib tamar ahaan loo adeegsado.  Haddi wakhti dheer u glucose-ka ku raago jirka wuxuu dhaawac u geeysanayaa xubnaha jirka badidooda. 

Jimicsi iyo is-daryeelid

Dhaqdhaqaaqa jirkaiyocuntada caafimaadka u roonroon waxay hoos u dhigi karaan halista keeni karta cudurka cudurka sonkorowga/macaanka nooca 2:aad, sidoo kale waa tiirka daryeelista haddii cudurka sonkorowga/macaanka nooca 2:aad u kugu dhaco. 

Dhaqdhaqaaqa jirka iyo jimicsiga waa lagamaarmaan haddii cudurka sonkorowga/macaanka nooca 2:aad aad qabto

Dhaqdhaqaaqa jirka , wadajir wax ka beddelka nooca raashinka ayaa marka hore la isticmaala daryeelista cudurka sonkorowga/macaanka nooca 2:aad, waxaana dhici karto in aadan u baahnayn inaadd qaadato daawo badan.

Isbeddellada hab-nololeedku waxay yareeyaan halista dhaawaca seedaha iyo baahida daawada. Dadka qaar ayaa waxay ku guulaystaan hakinta cudurka kaddib markii isbedello wayn ay sameeyaan.  Waa haddii miisaankaaga oo aad u badnaa ama aad caylnayd oo aad miisaan badan iska tuurtay. Hoos u dhigista miisaanka boqolkiiba 5-15 % badi ahaan waa lagamamaaran. . Taasoo loogu yeero remission (hagaajin ku meel gaar ah) waxayna ka dhigan tahay in sonkorta dhiigaaga ay noqon doonto mid caadi ah, maadaama isbeddello ku sameysay qaab nololeedkaaga iyo miisaankaaga, laakiin waxaa dhici karto in cudurka u dib u soo ifbaxo. Haddii tani aysan ahayn hadafkaaga, xitaa isbeddellada qaab nololeedka yar saamayn toos ah ayay caafimaadkaaga ku yeelan doonaan. 

Isbeddelka hab nololeedka kasta iyo helitaanka is-daryeelka wanaagsan, waxay u baahan tahay dadaal iyo aqoon. Waxaad hagid iyo taageero ka heli kartaa dhakhtarka qoyska, isbitaalka ama adeegyada degmada, tusaale ahaan Frisklivssentral (Xarunta nolol caafimaad leh).. ). Tan kale, waxaad xaq u leedahay fursad aad kaga qaybgasho koorsooyinka macluumaadka lagu dhigo isbitaalka deegaankaaga oo xiriirka la leh cudurka sonkorowga/macaanka nooca 2:aad. 

Ka hortegista dhaawacyada seedaha 

Ulajeedada daryeelista cudurka sonkorowga/macaanka ma ahan oo keliya, in hoos loo dhigo sonkorta dhiigga, ee waxaa weeyaan in hoos loo dhigo halista cudurada wadnaha iyo xididada iyo waxyeelada kale oo goor dambe soo ifbaxa cudurka sonkorowga/macaanka dartiisa (sida kartida aragga oo hoos u dhacda, dareenka cagaha oo yaraada, dhaawaca kelyaha iyo kartida galmada oo xumaata).  

Qodobadani waxay saameeyaan ku yeeshaan halista dhaawaca u sabab ah waxyeelada kale oo goor dambe ee cudurka sonkorowga/macaanka, sidaas darteed waa muhiim inaad dhakhtarkaaga kala hadasho:   

  • dhaqdhaqaaqa jirka 
  • raashinka 
  • miisaan-dhimista (haddii miisaankaaga u badan yahay) 
  • joojinta sigaarka-cabbista(haddii ay ku khuseyso) 
  • Nidaaminta sonkorta dhiigga iyo sonkorta dhiigga ee muddada dheer (HbA1c) 
  • cadaadiska dhiigga 
  • heerka walxaha dufanka leh ee dhiigga ku jira (gaar ahaan kolestaroolka LDL) 

Sigaarka-cabbista  

Sigaarka-cabbista waxay si gaar ah khatar ugu tahay dadka cudurka sonkorowga/macaanka qaba. Haddii aad sigaar cabto waa inaad dhakhtarkaaga kala hadashaa.Sigaar cabbista waxay kordhisaa halista dhibaatooyinka cudurka sonkorowga/macaanka ugu daran iyo kuwa caadiga ah, sida wadne-qabadka, stroke iyo hawlgabka kelyaha. Sigaar-cabbista sidoo kale waxay kordhisaa halista xaalado kale oo badan, oo ay jirto khatar sii kordheysa oo ah inuu ku dhaco cudurka sonkorowga/macaanka.  Waxay siiba khuseysaa waxyaale kale, sida hoos u dhaca wareegga dhiigga ee lugaha iyo boogaha cagaha, wadna xanuunka, cilladda kacsiga, cirridka, cataracts, kansarka iyo waallida. Tallaabooyinka ugu muhimsan ee aad qaadi karto haddii aad la nooshahay cudurka sonkorowga/macaanka waxaa weeyaan inaadan sigaar cabbin. 

Waxaa jiraan waxyaalo badan oo wanaagsan oo aad kaashan karto,joojinta sigaarka-cabbista darteedsidabarnaamijyada ,  mobaylyada, koorsooyin iyo daawooyin, dhakhtarkaagana wuxuu kaa caawin karaa inaad ku guulaysato joojinta. 

Kiniinnada iyo insulinka hoos u dhigaya heerka sonkorta dhiigga  

Haddii isbeddelada hab-nololeedkaagu ayna kugu filnayn, waxaa laga yaabaa inaad u baahato inaad isticmaasho daawooyinka iyo/ama insuliin hoos u dhiga sonkorta dhiigga (iyo xitaa dawooyin kale) sidii hoos loogu dhigo halista dhaawaca seedaha ee u sabab ah cudurka sonkorowga/macaanka. Haddii aad la kulanto waxyeellada noooc daawo, waxaa lagugu beddeli karaa mid kale.  Ku saabsan waxyeellada daawada aad qaadato haddii aad dhibaatooyin la kulanto la xiriir dhakhtarkaaga.  

Cudurka sonkorowga/macaanka iyo ilkaha  

Haddii aad qabto cudurka sonkorowga/macaanka, waxaa si gaar ah muhiim u ah inaad nadiifiso ilkahaaga iyo ciridkaaga ba (pdf). Habka. Habka ugu fiican waxaa weeyaan iyadoo ilkahaaga cadayso laba jeer maalin kasto oona isticmaala daawada cadayga oo leh maaddada fluoride iyo xariga ilkaha ama maalin kasta isticmaal burushka interdental. 

Cudurka sonkorowga/macaanka wuxuu hoos u dhiga kartida difaaca jirka iyo af qallayl. Taasoo sahlinayso in bakteeriyada inay tarmaan oo ay caabuq ku keento cirridka. Ciridka waxa uu wax u dhimi karaa habaynta sonkorta dhiigga ama in ilkaha ay ka daataan/soo dhacaan.  

Haddii uu kugu dhaco caabuqa cirridka, wuxuu dhakhtarka qiimayn karaa haddii aad xaq u leedahay taageero-dhaqaaleed iyo in kale.  

Dabagalka iyo kormeerista xaaladda cudurka sonkorowga/macaanka nooca 2:aad

Dadka intooda badan ee qaba cudurka sonkorowga/macaanka nooca 2:aad, waxay xakamayn darteed ay sannad kasta la xiriiraandhakhtarkooda, laakiin qaar kale waxaa xaaladdooda lagala socda isbitaalada. Inta jeer ee dabagalka cudurka sonkorowga/macaanka la sameyo waa hadba xaaladda bukaanka.   

Saannad gudahiisa waxaa fiirgaar la siiyaa calaamado kala duwan ee halis u ah dhibaatooyinka cudurka sonkorowga/macaanka. Haddii la hubsado in dhammaan calaamadaha halista ay yihiin kuwa la xakamayn karo, waxaa aad hoos u dhaca heerka halista dhibaatooyinka. Waxaa taas badi ahaan loo yaqaanna "baaritaanka sanadlaha ", laakiin dhakhtarka wuxuu u kala qaybin karaa dhowr saacadood. 

Waa in sonkorta dhiigga ee muddada-dheer hab joogto ah loo cabbiraa (saddexdii ilaa lixdii biloodba mar), taasooo natiijadeeda lagu muujiyo sidii celceliska sonkorta dhiigga ay ahayd lixdii ilaa siddeeddii toddobaad ee la soo dhaafay. Bartilmaameedka sonkorta dhiigga ee muddada-dheer waa la waafajiyaa bukaanka, laakiin bukaanada badidooda bartilmaameedka sonkorta dhiigga ee muddada dheer qiyaastii waa 53 mmol/mol. 

Dadka da'da yar oo hab fudud u gaara hadafka daryeelista, waxay hadafka daryeelista noqon kartaa mid ku dhow 48 mmol/mol, halka hadafka daryeelista ee kuwa da'da weyn, u noqon karo inta u dhexeeya 53 iyo 64 mmol/mol. 

Cudurka sonkorowga/macaanka wuxuu u horseedi karaa cudurka indhaha ku dhaca ee loo yaqaanno retinopathy, kaas oo ah cudur ku dhaca shabakada isha. Haddii cudurka aan waxba laga qaban wuxuu u horseedi karaa hooos u dhaca kartida aragga ama in qofku u indhaha beelo. 

Markii la dabagalayo cudurka sonkorowga/macaanka waxaa la baara xaaladda in dhaha, taasoo lagu dhaqaaqo labadii sanaba mar ama in ka badan si loo hubiyo isbedelada. Dhakhtarka ayaa tixraacaha u gudbiyo dhakhtarka indhaha. 

Dadka qaba cudurka sonkorowga/macaanka waa in ugu yaraan hal mar sannadkii laga qaado shay-baarka dhiigga iyo kaadida sidii loo kormeero xaaladda keliyaha awgoood. Haddii la shaacbixiyo korniinka borotiinka ee kaadida waa calaamad muujinaysa dhaawaca kelyaha ee bilawday. Calaamadaha dhaawaca kelyaha waa in sida ugu dhaqsida badan la shaacbixiyo. Xaaladdaas waxaa wax laga beddelayaa qaabka daryeelista cudurka sonkorowga/macaanka sidii kelyaha loo badbaadiyo awgood. 

Cagaha dadka qaba cudurka sonkorowga/macaanka waa in dareenka cagaha hoostoooda sannad kasta la baara iyo sidii looga hortegi lahaa boogaha cagaha

Dhammaan dadka qaba cudurka sonkorowga/macaankawaa in sannadka kasta hal mar ama in ka badan ay iska baaraan heerka cadaadiska dhiigga, waa haddii uusan fiicnayn 

Heerka cadaadiska dhiiga guud ahaan waa in uu ahaado 135/85 mmHg ama in ka hooseeya, laakiin dadka waayeelka ah cadaadis dhiigga wuxuu noqon karaa wax in yar ka sarreeya. 

Heerka cadaadiska dhiigga ee hooseeya, wuxuu kaalin ka geeysta hoos u dhigista halista qaar badan oo ka mid ah dhibaatooyinka ugu caadiyeeysan uguna daran ee sabab cudurka sonkorowga/macaanka, sida wadne-qabad, stroke, hawlgabka wadnaha iy hawlgabka kelyaha 

Waa in ugu yaraan hal mar sannadkii ama xitaa in ka badan haddii heerarku aanay fiicnayn in la cabbiraa heerka walxaha dufanka leh ee dhiigga ku jira.  Dhowr waxyaalood ayaa fiirogaar la siiyaa, laakiin si gaar ah waxaa diirada la saara in heerka kolestaroolka LDL in uu hooseeyo. Haddii heerka kolestaroolka LDL u aad u sarreeyo waxaa badanaa lagu daaweeyaa daawooyin waa haddii lagu guuldarasto in wax looga qabto siyaabo kale sida cunista raashinka caafimaadka u roon. 

 

​Nasjonal faglig retningslinje for diabetes (IS-2685). https://helsedirektoratet.no/retningslinjer/diabetes

Waxa ku qoran waxaa soo diyaariyay Helsedirektoratet

Markii ugu dambaysay ee la cusbonisiiyay Khamiis, Bisha Saddexaad 21, 2024