Qaabka ilmaha luqadda u bartaan

Carruurta waxay luqadda u horumariyaan heerar kala duwan iyo siyaabo kala duwan. Waxaad ka qayb qaadan kartaa horumarinta wanaagsan ee qaabka ilmaha luqadda u bartaan.

Sidee ayay ilmaha luqadda u horumariyaan?

Carruurta waxay markii ay dhashaan awoodaan in xiriir ay yeeshaan, waxayna durbadiiba ay leeyihiin kartida luqadaha.  Ilmo kasta wuxuu ku kora xawligiisa, waxaana dhinaca horumarinta luqadda jira kala duwanaansho wayn.

Horumarka luqadda carruurta wuxuu u dhacaa wejiyo kala duwan iyo wadajir la dhaqanka dadka kale.

0-6 bilood

Carruurta waxay markii dhallan ay yihiin bilaabaan in ay shanshanqaraan. Waxay dadka kula xiriiraan indhaha, waxayna gartaan oo ay ka jawaabaan shanqaryada, sameeyaan dhawaaqyo oona isticmaalaan tibaaxaha wajiga.

6-12 bilood

Carruurta waxay isku dayaan in ay hadlaan waxayna fahmaan erayada iyo tibaaxaha fudud. Inta lagu jiro muddadan wuxuu cunugga aqoonsada magaciisa. Sidii ay u muujiyaan waxa loola jeedo waxay si firfircoon u adeegsadaan luqadda jirka wadajir ereyo fudud.

1-2 sano

Laga bilaabo markii da'dooda ay u dhaxayso 1-2 sano, waxay dhihi karaan ereyo fudud iyo weero gaaban. Ilmaha waxay bilaabayaan in ay fahamaan tilmaamaha iyo su'aalaha fudud.

2-3 sano

Carruurtu waxay kolba bartaan ereyo badan waxayna isku xiri karaan jumlado dhaadheer. Markii heerka fahamka luqadda ay korto, waxay badanaa weydiiyaan su'aallo waxayna sheegi karaan sheekooyin fudud. Xaaladaha bulshada iyo is-dhexgalka bulshada iyo dadka kale, waxay si firfircoon u isticmaalaan luqadda, iyagoo adeegsanayo ereyo, jeestooyin, tibaaxaha wejiga iyo cod.  

3-4 sano

Cunugga wuxuu sii wadaa in uu barto ereyo cusub, wuxuuna muujiya in u dhisi karo weeero culus. Markaan hingaajista waxay noqonaysa mid sax ah. Wuxuu muujiyaa in u ka hadli karo waxyaabaha dhici doona mustaqbalka dhow, iyo dhacdooyinka dhawaan dhaceen. 

Kaalin ka geeysashada horumarka luqadda carruurta

Xirirka indhaha, is-dhexgalka iyo dareen-siinta amniga waxay muhiim u yihiin horumarinta luqadda ee ubadkaaga. Markii ilmaha ay dareemaan amni, waxay aad diyaar ugu yihiin sahaminta luqadda iyo isgaarsiinta.

Ha iloowin in dhallaanka usan calaamado cad bixin. Sidaas darteed, fiirogaar sii markii u isku dayo inuu kula hadlo.

Carruurta waxay awoodaan in dhowr luqado ay isku mar bartaan, sidaas darteed ku dadaal inaad kula hadasho afkaaga hooyo. Ubadkaaga kula hadal luqadda aad adiga si heer sare ugu hadasho. Wuxuu sidaas ku helayaa khibrad af hodan ah, waxayna ka caawisaa in u isku xiro erayada iyo dareenada iyo waaya-aragnimada.

  • Waad taageeri kartaa oona saamayn ku yeelan kartaa horumarka luqadda ubadkaaga
  • Sidii ubadkaaga aad ula ciyaarto ciyaar carruureed oo aad luqadda ku raaxaysataan, ku dadaal inaad isticmaasho xaaladaha maalinlaha ah.
  • Daahid la`aan u aqri buugaagta waxaana doorata buugaag sawiro leh, oo ku habboon da'diisa adigoo islamarkaas sawirada u tilmaamayo.
  • Sidii kor loogu qaado luqadda iyo kartida isdhexgelka bulshada, u fududey ciyaarta carruurta ee u la ciyaarayo carruurta kale.
  • Fiirogaar-siinta ubadkaaga awgiis, meel iska dhig mobaylkaaga iyo samacadaha dhegaha.

Naseexooyin xiriir la leh wadahadalka

  • Laga bilaabo maalinta u ubadkaaga dhasho dhegayso oona dhadhaanji dhawaaqyadiisa.  
  • Ubadkaaga sii fursad uu kugu jawaabo markii u dhawaaq iyo dhaqdhaqaaq adeegsanayo.
  • Erey u yeel waxa aad u malaynayso in cunugga sheegayo ama dareemayo.
  • Ereyo u yeel waxa cunugga u daawanayo iyo waxa wadajir aad u samaynaysaan.
  • Ereyada uu cunugga yiraahdo macne u yeel. Tusaale ahaan, haddii cunugga u yiraahdo "ey", wuxuu dhihi karaa "Haa, waa eey weyn oo ciyaayo".
  • Sidii luqadda aad ugu dhigto mid xiiso badan iyo si fudud loo xasuusto isticmaal ku celcelis, laxan iyo heeso.

Codso caawinaad haddii aad arrin ka walwalsan tahay

Caawinaad kala xiriir xarumaha daryeel-caafimaadeedka ama maamulka dugsiga xannaanadda haddii aad ka walwalsan tahay horumarka luqadda ee ubadkaaga. Waayo waxay aqoon u leeyihiin horumarinta luqadda ee ilmaha. Kaddib markii ay adeegsadaan fiirogaar-siin iyo qiimayn, waxay ku siin doonaan talo ku saabsan horumarka luqadda ee ubadkaaga, waxaana dhici karto in ay ku gudbiyaan meelaha kale ee aad caawinaad ka heli karto

Waxa ku qoran waxaa soo diyaariyay Helsedirektoratet

Markii ugu dambaysay ee la cusbonisiiyay Salaasa, Bisha Labaad 11, 2025