Horornimada/xoog-sheegashada iyo xadgudub

Horornimada/xoog-sheegashada waa falal noocyo badan ku salaysan, ha ahaadeen kuwa jireed ah, jinsiga ama maanka la xiriira. Horornimada/xoog-sheegashada iyo xadgudub waxay sababi karaan dhaawac muddo gaaban iyo kuwa muddo dheer ba. Dhammaan falalka iyo noocyada horornimada/xoog-sheegashada iyo xadgudub waa sharcidarro.

Markii halis degdeg ah ay jirto, ciidanka booliska ka wac 112

Ma adiga mise qof kale ayaa noolashiisa halis ku jirto? Xaaladdaas waa inaad ciidanka booliska ka wacdo lambarka degdegga 112.

Waa maxay horornimada/xoog-sheegashada?

Horornimada/xoog-sheegashada waxay noqon kartaa mid ku salaysan jirka, jinsiga iyo maanka. Xitaa dayacnaanta waa nooc horornimada/xoog-sheegashada lagu tiriyo.

Horornimada/xoog-sheegashada waxay ka dhex dhacda dhammaan noocyada xaaladaha oo dadka wada joogaan: guriga, iskuulka, goobta shaqada, safka taxiga ama waddada. Horornimada/xoog-sheegashada waxay ka dhex dhici kartaa dad aan aqoon isku lahayn, dad aqoon isku leh ama goobta shaqada.

Ragga iyo haweenka ba horornimada/xoog-sheegashada waa loo geysan karaa, laakin kala duwanaansho jinsiga ku salaysan oo xiriir la leh noocyada horornimada/xoog-sheegashada ayaa jirto. Ragga ayaa aad ugu nugul horornimada/xoog-sheegashada ka baxsan kan ka dhaxeeyo xiriirka dhow dumarka. Haweenka ayaa aad ugu nugul in loo geysto horornimada/xoog-sheegashada oo leh xiriirka dhow iyo xadgudubka jinsiga ku salaysan haddii ragga la barbardhigo.

Falalka horornimada/xoog-sheegashada waxay dhici karaan mar kasta. Dhibaneyaasha falalka loo geysto horornimada/xoog-sheegashada markii ay carruur ay ahaayeen ayaa aad ugu nugul horornimada/xoog-sheegashada markii ay dad waawayn noqdaan (badi ahaan loo yaqaanno - dib u soo celin). Tiro aad badan oo dad waawayn ah waxaa xitaa iyaga loo geysta falalka horornimada/xoog-sheegashada ku salaysan, tan kale falalka horornimada/xoog-sheegashada ee dadka waawayn loo geysto badi ahaan wuxuu ka dhex dhaca dadka xiriir dhow leh.

Sababaha horornimada/xoog-sheegashada iyo xadgudub waa kuwa iskudarsan, laakin waxaa sabab u noqon karto dhaqaale-xumo, xaalad-noololeed, itaaldarro iyo falxummada maandooriyeyaasha, ayaa halista kor u qaadi karaan

Horornimada/xoog-sheegashada

Horornimada/xoog-sheegashada oo ka dhex dhacdo xubnaha qoysaska, lamaaneyaasha ama dadka isku goob ka wada shaqeeyo waxaa loo yaqaanno horornimada/xoog-sheegashada guriga. Horornimada/xoog-sheegashada guriga waxay noqon kartaa mid gaar ahaan adag maadama faleha horornimada/xoog-sheegashada u yahay qof muhim u ah noolasha dhibaneha. Waxay kaloo noqon kartaa wax aan sahlanayn in laga fogaado horornimada/xoog-sheegashada. Horornimada/xoog-sheegashada guriga macnaha badi ahaan waxaa weeyaan in dhibanaha usan amni gurigiisa ku haysan.

Aqriso warbixin dheeraad oo ku saabsan horornimada/xoog-sheegashada oo leh xiriirka dhow iyo iyo halka aad caawinaad ka heli karto (dinutvei.no)

Horornimada/xoog-sheegashada jirka loo geysto

Horornimada/xoog-sheegashada jirka loo geysto waa isticmaalka horornimada/xoog-sheegashada jirka, taasoo ulajeedada tahay in qofka la dhaawaco ama la xakameeyo. Wuxuu noqon karaa mid ku salaysan garaacid, haraanti, isku day ceejin, shay lagu tuuro, sigaar jirkiisa lagu gubo ama falal la mid ah loo geysto. Sidoo kale haddii qofka hub lagu hanjabo waa fal horornimada/xoog-sheegashada jireed.

In ilmaha barbaarin darteed jirdil loo geysto sharci ahaan waa ka mamnuuc dalka Norway, waana nooc horornimada/xoog-sheegashada jirka oo qof carruur ah loo geystay.

Horornimada/xoog-sheegashada jinsiga xiriirka la leh

Horornimada/xoog-sheegashada jinsiga xiriirka la leh waa dhammaan noocyada qofka lagu qasbo/dirqiyo fal jinsiga xiriir la leh. Waxaa kamid ah kufsiga, qofka galmo/iskutag lagu qasbo, sida galmada, laakin xitaa noocyada kale xadgudubka jinsiga ku salaysan ama dambifal, sida tataabashada jirka oo aan raali laga ahayn. Kufsiga iyo xadgudubyada jinsiga kale waxay ka dhex dhici kartaa xiriiryada tiro badan dhexdooda, oo ay ka mid yihiin xiriiryada.

Jirdilka ilmaha macnaha ma ahan qasab, sidii loo oran lahaa waa waa horornimada/xoog-sheegashada jinsiga xiriir la leh. Markii qof wayn u adeegsado xoogga da`diisa sidii qof carruur ah u la yeesho xiriir jinsiga taas waa fal xadgudub ku salaysan. Tan kale ilmaha oo ilmo kale fal noocaas u geysta waa xadgudub .

Xadgudubka jinsiga ku salaysan ee farsamada digitaalka loo adeegsado, sida faafinta sawirrada qaawanaanta qof kale, kaasoo aan oggolaansho laga haysan, waa nooc jinsiga meel looga dhacay.

Horornimada/xoog-sheegashada maanka

Horornimada/xoog-sheegashada maanka waa noocyo tiro badan iyo waxay noqon kartaa mid aan erey lagu qeexi karin. Xakamaynta, wax-is-daba-marinta iyo dhaleecayn joogto ah ayaa kamid ah falalka. Horornimada/xoog-sheegashada maanka badi ahaan wuxuu leeyahay hal astan, oo ah in dhibaneha la dareensiiyo in usan waxba ahayn ama naftiisa halis ku jirto.

Horornimada/xoog-sheegashada maanka badi ahaan waxay ka dhex dhacda dadka xiriirka dhow ka dhaxeeyo, sida tusaale horornimada/xoog-sheegashada maanka ee qof waalid ah ilmahiisa u geysto ama sayga/aafada oo saygeeda/aafadiisa ama lamaanehiisa u geysto. Badi ahaan waxaan warhayna horornimada/xoog-sheegashada maanka ee ka dhex dhaco dadka xiriirka dhow leh, laakin xitaa gardaraysashada waa nooc horornimada/xoog-sheegashada maanka xiriir la leh.

Aqriso warbixin dheeraad oo ku saabsan Horornimada/xoog-sheegashada maanka iyo iyo halka aad caawinaad ka heli karto (dinutvei.no)

Dayacnaan

Macnaha dayacnaanta waxaa weeyaan qof usan helin gundhigga caawinaadda u xaqa u leeyahay. Waa nooc horornimo/xoog-sheegasho ah oo ka dhex dhaco xiriiryada oo ah in qofka qof kale mas`uul ka ah – sida tusaale qof waalid ah oo ilmahiisa daryeelo, ilmaha waawayn oo daryeelo qof waalid ah oo waayeel noqday, ama qof ka shaqeeyo goob u mas`uul ka yahay in u daryeelo qof itaaldarran.

Gundhigga baahida waxay noqon kartaa mid jireed ah (sida baahida raashinka, dhar nadiif ah, amni jireed ama daawooyin) ama maanka.

Xakamayn bulshodeedka aan wanaagsanayn

Noocyada kale oo kala duwan ama xakamayn bulshodeedka aan wanaagsanayn waxay noqon karaan horornimada/xoog-sheegashada, handadaad iyo dirqis. Falalkaan waxaa loo sameeyaa sidii qofka loo dirqiyo in u tixgeliyo dhaqamada qoyska, sida xoogmuquuniska xiriirka la leh heebada qoysaska, guurka dirqiska ah iyo gudniinka gabdhaha.

Aqriso warbixin dheeraad oo ku saabsan xakamayn bulshodeedka aan wanaagsanayn iyo halka caawinaad laga heli karo (dinutvei.no)

Horornimada/xoog-sheegashada sidee bey caafimaadka saamayn ugu yeelayaa?

Horornimada/xoog-sheegashada waxay siyaabo tiro badan dhaawac u geysan kartaa caafimaadka dhibanaha. Waxaa muhim ah in hoosta laga xariiqo in dhammaan dhibaneyaasha falalka horornimada/xoog-sheegashada u halgamin caafimaadkooda, oona tiro badan u caafimaadkooda wanaagsan yahay. Laakin waxaa sare u kacda halista tirada horornimada/xoog-sheegashada ha ahaadeen kuwa jirka iyo kuwa maanka ba iyo dhibaato caafimaadeed.

Horornimada/xoog-sheegashada iyo caafimaadka jirka

Dhibaatada horornimada/xoog-sheegashada waxay noqon kartaa mid ku salaysan dhaawacyada jireed, sida jabka lafaha feeraha, calaamadaha maqaarka, nabro ama dhaawacyo gudaheed.

Kolba aqoon dheeraad ayaa la helaa, waxaan goor dhow la helay aqoon ku saabsan sida ay isugu xiran yihiin falalka horornimada/xoog-sheegashada ku salaysan iyo caafimaadka jirka. Dhibaato caafimaadeed jirka caadiga, sida madax-xannuun, calool-xannuun, yaaqyaaqsi, madaxwareer iyo muruq-xannuun, ayay caadi ahaan dareemaan dhibaneyaasha falalka horornimada/xoog-sheegashada, waa haddii la barbardhigo dadka aan falalka noocaas loo geysan. Sidoo kale, cudurro halis ah sida cudurka macaanka, cudurrada ku dhaca wadnaha iyo xididaha iyo xitaa cudurka kansarka ayuu caadi ahaan ku dhaca dadka falalka horornimada/xoog-sheegashada loo geystay. Sidaas darteed falalka horornimada/xoog-sheegashada wuxuu kaloo saamayn ku yeesha caafimaadka si ballaaran oo aan qabyo ahayn.

Dhibaneyaasha falalka horornimada/xoog-sheegashada markii carruur ay ahaayeen waxay markii ay waynadaan, ay halis dheeraad ugu jiraan in ay la kulmaan dhibaato caafimaadeed, waa haddii la barbardhigo kuwa carruurnimo ama iyago wayn falalka noocaas loo geystay. Qofka tiro badan iyo noocyo kala duwan oo horornimada/xoog-sheegashada loo geysto wuxuu la kulma dhibaato caafimaadeed oo dheeraad ah.

Horornimada/xoog-sheegashada iyo caafimaadka maanka/nafsiga

Dadka loo geystay horornimada/xoog-sheegashada waxay si dheeraad dareemaan niyadjab iyo qoomamayn. Horornimada/xoog-sheegashada muddo dheer oo halista ahayd, sida ilmaha ku barbaara bay`ad leh dhacdooyinka horornimada/xoog-sheegashada ee badan iyo xakamayn waalid, waxay sababi karaan dhaawacyo maanka oo isku darsan. Dadka horornimada/xoog-sheegashada loo geysto waxay xitaa halis dheeraad ku dhaqaaqaan falxummada khamriga iyo maandooriyeyaasha kale. Waxaa jiro xiriir aad u adag oo ka dhaxeeyo falalka horornimada/xoog-sheegashada ku salaysan iyo hab-dhaqanka u qofku isku dhaawacayo, iyo xitaa isku dayga is-dilka.

Falalka horornimada/xoog-sheegashada iyo xadgudub waxay sabab karaan calaamado posttraumatisk stress (PTSD). Calaamadaha waxay noqon kartaa mid ku salaysan xasuus xannuun badan mar kale si xun loo soo xasuusto, in qofku isku dayo in u ka fogaado xaaladaha xasuusin karo falalkii horornimada/xoog-sheegashada ku salaysana ee loo geystay iyo in si xun isku beddelaan dabeecada, fikradaha iyo istareeska.

Wargeli falalka horornimada/xoog-sheegashada iyo xadgudub

Haddii lagu geystay fal horornimada/xoog-sheegashada iyo xadgudub lagu geystay caawinaad ayaa heli kartaa. Si fudud ayaa caawinaad ku raadsan kartaa haddii falalka lagu geystay aad ka kala sheekaysato qof aad ku kalsoon tahay.

Haddii aad ka war hesho qof loo geystay ama loo geysan doono fal horornimada/xoog-sheegashada ama xadgudub ku salaysan waxaad heli kartaa caawinaad. Xaaladaha qaarkood waxaa xitaa sharci ahaan waajib kugu ah inaad ka hortagto dhacdad.

Waad ka hortegi kartaa falalka horornimada/xoog-sheegashada iyo dambifalada jinsiga xiriirka la leh, adigoo wargeliya ciidanka booliska ama waca rugta badbaadinta carruurta ama hubsato inaad dhibanaha goobta ka badbaadiso, sida tusaale aad geyso xarunta marxaladda adag, isbitaak ama goob kale oo amnigeeda sugan yahay. Xaaladaha badidooda waxaa suurtagal noqon karto in hab qarsoodi ah wargelinta lagu dhaqaaqo ama laga doodo walwalka jiro.

Adeegyada taageerada ku salaysan ee loogu talagalay dhibaneyaasha dambifallada iyo eheladooda

Dhawr adeegyo taageero ku salaysan iyo ururada iskaa wax u qabso

Waxaa la heli karaa dhawr adeegyo taageero ku salaysan oo loogu talagalay dhibaneyaasha horornimada/xoog-sheegashada iyo xadgudubka. Xitaa faleyaasha horornimada/xoog-sheegashada caawinaad heer sare ah ayay heli karaan.

Arias, I., Leeb, R.T., Melanson, C., Paulozzi, L.J. and Simon, T.R., 2008. Child maltreatment surveillance; uniform definitions for public health and recommended data elements. Retrieved from https://stacks.cdc.gov/view/cdc/11493

Øverlien C, Hauge MI, Schultz JH. Barn, vold og traumer: Møter med unge i utsatte livssituasjoner. Universitetsforlaget; 2016.

Thoresen, S., & Hjemdal, O. K. Vold og voldtekt i Norge. En nasjonal forekomststudie av vold i et livsløpsperspektiv. Rapport 1/2014. Nasjonalt kunnskapssenter om vold og traumatisk stress.

WHO. World Report on Violence and Health. Geneva: World Health Organization; 2002.

Aakvaag HF, Strøm IF. Vold i oppveksten: Varige spor? En longitudinell undersøkelse av reviktimisering, helse, rus og sosiale relasjoner hos unge utsatt for vold i barndommen. Nasjonalt kunnskapssenter om vold og traumatisk stress A/S, Rapport. 2019;1.

Waxa ku qoran waxaa soo diyaariyay Nasjonalt kunnskapssenter om vold og traumatisk stress

Markii ugu dambaysay ee la cusbonisiiyay Isniin, Bisha Sagaalaad 05, 2022