Maxaad samaynaysaa haddii aad la kulanto walxo khatar ah?

Haddii ay dhacdo inaad la kulanto shilal, argagixisanimo ama dagaal weyn, waxaad la kulmi kartaa walxo khatar ah. Kuwani waxay noqon karaan kiimiko, caabuq, shucaac ama qaraxyo. Waa tan talada la siiyo dadka ku nool wadanka oo dhan oona ku saabsan waxa laga yeelayo xaaladaha degdega ah.

Marka lagu jiro xaalad qalalaase, waa muhiim in la ogaado waxa la sameeyo. Waxaad ilaalin kartaa naftaada iyo nafta dadka aad jeceshahay adoo raacaya talada liiska ku qoran. 

Xusuusnow inaad ku ogeysiiso qolada adeegyada degdegga ah 110, 112 ama 113, raacna tilmaamaha lagaa siiyo goobta. 

Taladani waa mid guud waxayna khusaysaa dhammaan xaaladaha degdegga ah ee ay ku saameeyaan walxaha khatarta ah. Taas macnaheedu waa in tallaabooyinka ugu horreeya ee lagu ilaalinayo naftaada ay isku mid yihiin, iyada oo aan loo eegin nooca walaxda aad la kulantay. 

Talo gaar ah ayaa lagu siin karaa markay dhacdo dhacda gaar ah.

Xasuusnoow in cabsida iyo welwelka laftooda ay kugu keeni karaan xanuun. Macnuhu maahan inaad la kulantay walxo khatar ah. 

Waa maxay walxaha khatarta ah?

Walxaha qaarkood waa khatar in lala kulmo. Kuwani waxay noqon karaan kiimiko, caabuq, shucaac ama qaraxyo. Dhacdooyinka aan caadiga ahayn ee ku lug leh walxaha khatarta ah waxaa badanaa loogu yeeraa dhacdooyinka CBRNE. 

Dhacdooyinka qalalaasaha noocan oo kale ah waxay ku dhici karaan natiijada 

  • shilalka waaweyn 
  • dagaal 
  • argagixiso

La xidhiidh dhakhtarkaaga haddii aad isku aragto astaamaha. 

Waxa ku qoran waxaa soo diyaariyay Folkehelseinstituttet, Oslo universitetssykehus HF

Markii ugu dambaysay ee la cusbonisiiyay Salaasa, Bisha Sideedaad 27, 2024